27-ka bishan August oo ku beegan maalin Jimce ah ayaa la saxeexi doonaa dastuurka Kenya, kaas oo saxeexa ka dib dastuur sharci ah noqon doona.
Maalintaas saxeexa dastuurka ayaa la filayaa inay yimaaddaan marti sharaf ka socota waddamada Africa, Europe, iyo Maraykanka intaba. Maalinta xigta ee Sabtida ah waxa la dhaarin doonaa dhamaan xildhibaanada iyo madaxda kale ee Kenya.
Sida lagu heshiiyey, waxa jiri doona 27 xubnood oo noqon doona guddi ilaaliya dastuurka. 27kaas waxay ka kala iman doonaa labada xisbi ee ODM and PNU oo min 13 xubnood ka iman doonaan, halka qofka dheeriga ahna uu noqon doono Wasiirka Dastuurka iyo Sharciga Kenya.
Warka oo dhameystiran hoos ka dhagesyo.