Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad-baxyada Kenya oo 22 qof ku dhinteen


22 qof ayaa Talaadadii ku dhintay dibad-baxyada Kenya, waxaa sidaas maanta sheegay urur u dooda xuquuqda aadanaha oo dowladda ay maal-geliso, kaasi oo wacad ku maray baaritaan lagu sameeyo wax uu ku qeexay “dhimashadii ugu badneyd ee mudaaharaadyo ka dhasha hal maalin.”

"Waxaan diiwaan gelinay dhimashada 22 qof...waxaan qorsheyneynaa in aan bilowno baaritaan," ayay tiri Roseline Odede, oo ah guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Kenya.

Waxa ay intaas ku dartay in 19 qof ay ku dhinteen caasimadda Nairobi, halkaasi oo booliska ay rasaas ku fureen dibad-baxayaal ku xoomay xarunta baarlamanka.

Mudaaharaadayaasha ayaa ka soo horjeeda sharci cusub oo dowladda ay dooneyso in ay ku kordhiso canshuurta, waxayna maanta wacad ku mareen in ay sii wadi doonaan banaan-baxyada ka dhanka ah canshuur kordhinta.

Boolis aad u hubeysan ayaa maanta maamulayey waddooyinka caasimadda Nairobi, ayada oo taageerayaasha banaanbaxa toddobaad jirsaday ay barta X u isticmaalaayaan hashtag #tutanethursday ama “Khamiis ayaa noo ballan ah.”

Sarkaal ka tirsan Isbitaalka Kenyatta ee Nairobi ayaa Arbacada maanta ah sheegay in halkaas “lagu daweynayo 160 qof, oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo fudud, halka qaar kalena ay qabaan dhaawacyo rasaas.”

Dhinaca kale, boob iyo bililiqo ayaa laga soo weriyey Nairobi iyo deegaano kale, halka dab la qabad siiyey dhismooyin ku yaalla magaalada Eldoret ee uu ku xooggan yahay madaxweyne William Ruto.

Hindise-sharciyeedka – oo ay dowladdu ku dooday inuu yahay tallaabo lagama maarmaan ah oo lagu dhimayo ku-tiirsanaanta daynta -- ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulmay siyaasiyiinta, Kenyan-ka shaqeeya iyo kooxaha ganacsiga.

Waxa uu soo jeedinayaa tiro cashuur kordhin ah oo la filayo in lagu soo rogo adeegyada maaliyadeed, wax soo-saarka iyo qaybaha ganacsiga.

Qodobada ugu muranka badan waxaa ka mid ahaa; billaabista canshuurta gaadiidka oo laga dhigayo 2.5% qiimaha baabuurka, iyo dib u billaabida canshuurta rootiga, kuwaas oo markii dambe laga laabtay.

Dadka kasoo horjeeda ayaa ka digay in tillaabooyinka cusub ay culeyska ku sii kordhin doonaan dadka markii horeba la halgamayay sidii ay nolol maalmeedkooda u dabooli lahaayeen xilli qiimaha nolosha uu aad sare ugu kacay.

Madal

XS
SM
MD
LG