Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa maanta laba jeer duqeeyey meel u dhaxeysa Garbaharey iyo Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Duqeyntan oo dhacday abaarihii 3 ilaa 4-ti galabnimo ayaan ilaa imika la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, hasse yeeshee sarkaal ka tirsan ururka Alhu-Sunna ee gobolka Gedo ayaa VOA u sheegay in duqeynta galabta ay khasaaro dhimasho ah ka soo gaadhay kooxda al-Shabaab, wuxuuna sheegay duqeynta galabta lala beegsaday fadhiisin ay leedahay kooxda Al-Shabaab.
Duqeynta maanta ayaa ku soo beegantay, iyadoo dowladda Kenya ay maanta sheegtay in duqeyn ay diyaaradaheedu shalay geysteen ay ku dhinteen 60 qof oo ka tirsan kooxda al-Shabaab.