Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti: Khubarro ciidan ayaan Somalia u diraynaa


Djibouti: Khubarro ciidan ayaan Somalia u diraynaa
Djibouti: Khubarro ciidan ayaan Somalia u diraynaa

Dowladda Djibouti ayaa sheegtay inay Somali u dirayso khubarro ciidan oo tababar siiya ciidamada dowladda KMG ee Somalia.

Safiirka Djibouti ee Somalia Dayib Dubad Rooble ayaa sheegay in Djibouti ay u dirayso Somalia oo kaliya ciidamo khubarro ah oo dowladda Somalia ka caawiya dhinacyada tababarka ciidamada Somalia.

Safiirka oo u warramaya Idaacadda VOA, ayaa iska fogeeyay wararka sheegaya in Djibouti ay Somalia u dirayso ciidamo gaadhaya 1500 oo askari, wuxuuna sheegay in tirada ciidamo ee ka socda Djibouti aysan intaas dhamayn oo ay noqon doonaan tiro yar oo ku koobnaan doonta gacan siinta ciidamada dowladda Somalia.

Safiirku wuxuu xusay in Djibouti ay taageerayso ciidamo ka socda Africa oo taageero siiya dowladda Somalia.

Safiirka Djibouti ee Somalia, Dayib Dubbad Rooble mar uu ka hadlayay goorta ay ciidamada khubbarada ah ee ka socda Djibouti, wuxuu sheegay intaasi ku xidhan tahay xilliga ay dowladda Somalia soo weydiisato.

XS
SM
MD
LG