Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti oo ka Hortimid Shirka Nairobi


Djibouti oo ka Hortimid Shirka Nairobi
Djibouti oo ka Hortimid Shirka Nairobi

Dowladda Djibouti ayaa ka hortimid shir uu ku baaqay Ergayga XGQM Mahiga oo looga hadlayo arrimaha Somalia kaasoo ka dhacaya Nairobi

Dowladda Djibouti ayaa markii ugu horreysay ka hadashay mowqfikeeda ku aadan shirka waddatashiga arrimaha Somalia ee uu ku baaqay ergayga gaarka ah ee XGQM Augustine Mahiga oo ka dhacaya Nairobi.

Shirkan ayaa la sheegay inay ka qeybgalayaan maamul-goboleedyada ka jira Somalia.

Djibouti waxay sheegtay in shirkaasi uu carqalad ku yahay hannaankii dowladdnida ee ay Somalidu horey ugu soo heshiisyeen.

Wasiirka Wasiirka Aw-qaafta iyo arrimaha Diiinta Djibouti Xaamud Cabdi Suldaan ayaa idaacadda VOA-da u sheegay in shirkaasi uu dadka Somalia dib ugu celinayo xaaladdihii ay horey u soo mareen.

Haddalkan wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu maanta magaalada Muqdisho gaaray ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo madaxda sare u gudbiyay casuumad ay kaga qeybgalayaan shirka ka dhacaya Djibouti.

XS
SM
MD
LG