Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Federaalka oo sheegtay dilka in ka badan 200 oo Al-Shabaab ah


Al-Shabab Al-Shabaab
Al-Shabab Al-Shabaab

Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Daa'uud Aweys oo saaka shir jaraa'id ku qabsay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab oo ka socda afar dowlad goboleed, wuxuna sheegay in dowladdu dishay in ka badan 200 oo Al-shabaab.

"Ciidanka Xoogga dalka waxay guulo horleh ka gaareen dagaalka ay kula jiraan argagixisada. Howlgal ay ciidamada SNA ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug waxa ay ku dileen ku dhawaad 120 ka tirsan Khawaarijta, tiro kale oo badanna halkaas ayaa lagu dhaawacay" ayuu yiri Daa'uud Aweys.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in howlgal kale ay Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ay 18 kale ku dileen gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo uu ku sheegay inay doonayeen inay weerar ku qaadan xero ciidan.

Waxa uu sheegay in howlgal mar kale ka dhacay gobolka Mudug ay ciidamada xoogga kusoo qabteen Salmaan Daadir 'oo ahaa sarkaal madax ka ahaa qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka.'

Daa'uud Aweys ayaa intaas ku daray in howlgal kale oo ka dhacay isla gobolka Mudug oo ay ka qeybqaateen Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashana kuwa Daraawiishta Galmudug ay Al-shabaab uga dileen 50 xubnood, isla markaana looga qabsaday deegaanno kale.

Dhinaca Jubaland, wuxuu Wasiirka Warfaafintu sheegay inay ciidamada qalabka sida 'ay fashiliyeen weerar Khawaarijtu ay kusoo qaadeen deegaanno ka mid ah gobolka Jubada Hoose' wuxuuna sheegay in weerarkaas looga dilay ilaa iyo 10 xubnood.

VOA si madax-bannaan uma xaqiijin warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta, Daa'uud Aweys, faah-faahin kama bixin haddii ay jiraan khasaare howlgalladan kasoo gaaray dhinaca ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa kale ee howlgalladan kala qeybgalay.

XS
SM
MD
LG