Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Federaalka oo war ka soo saartay hub lagu qabsaday Caabduwaaq


Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hub si sharcidarro ah dalka looga soo geliyey dhinaca Itoobiya oo ay qabatay, isla markaana ay galbinayeen ciidamada dawladda ay jidgooyo u dhigteen maleeshiyaad hubaysan, taasina ay sababtay in hubka qaar uu gacanta u galo maleeshiyaad hubaysan, 15-kii July.

Dhacdadan ayaa ka dhacday meel dhinaca waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Caabudwaaq oo lagu magacaabo Shiila-madow.

War saxaafadeed kasoo bxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in hubkaasi ay dalka soo geliyeen kooxo ka ganacsada hubka sharci-darrada ah, sida lagu sheegay qoraalkaas.

Dawladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday odayaasha degaanka iyo shacabka inay gacan ka siiyaan dawladda sidii hubkaas loogu soo celin lahaa gacanta dawladda.

Dawladda Soomaaliya waxay ku sheegtay war saxaafadeedka ay soo saartay inay ka xuntahay falkaas foosha xun, oo ay ku dhaqaaqeen maleeshiyaadka waddada u galay ciidamada galbinayey hubkaasi, sida lagu sheegay qoraalka.

Dawladdu waxay kaloo ku sheegtay war saxaafadeedka in ka ganacsiga hubka sharci darrada ah uu faa’iido u yahay kooxaha khawaarijta, qayb weynna ku leeyahay hurinta colaadaha qabaa’ilka.

VOA Somali waxay la xiriirtay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda federaalka, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, maamulka degmada Caabudwaaq iyo af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya oo aan markiiba ka jawaabin codsiga aan u jeedinay inay ka hadlaan wararka ku saabsan hubkan.

Madal

XS
SM
MD
LG