Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Itoobiya iyo Tigray-ga oo heshiis gaaray


Heshiiska Itoobiya iyo Tigray-ga
Heshiiska Itoobiya iyo Tigray-ga

Dawladda Itoobiya iyo mucaaradka Tigray ayaa heshiis ku gaaray magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika maanta oo Arbaca ah.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters, waxay labada dhinac ku heshiiyeen in colaadda la joojiyo.

Waxaa sidoo kale labada dhianc ay ku heshiiyeen inay dhacdo hub ka dhigis marxaladaysan, iyo in gargaarka bani’aadannimo loo furo in dadka la gaarsiiyo, iyo in la soo caliyo adeegyadii dadweynaha.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyey kadib wadahadallo socday toddodbaad oo ka socday dalkaas, oo ay ka qaybgalayeen ergooyin ka kala socda dawladda Itoobya iyo mucaaradka Tigray.

Wadahadalladan waxaa dhex-dhexaadiyey Midowga Afrika iyo dawladda Maraykanka oo la sheegay inay korjooge ka ahayd.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya laba sano kahor markii colaaddu ay ka qaraxday gobolka Tigray, taasi oo ay ku dhinteen kumannaan kun oo qof, sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda.

XS
SM
MD
LG