Ra'iisal wasaaraha DKMG ah ee Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in DKMG ay soo dhoweyneyso dilka Osama Bin Laden.
Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu ra'iisal wasaaruhu ku sheegay in dowladda KMG ah ay ka feejigan tahay weeraro ay abaabulayaan kooxda la rumeysan yahay inay ku xiran tahay al-Qaacida ee al-Shabaab.