Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab subaxnimadii Sabtida ku qaadeen degmada Balcad, sida ay sheegeen duqa degmada Balcad iyo Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle.
Duqa magaalada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee SONNA in la dilay 11 ka mid ah Al-shabaabkii kadib weerar ay soo qaaday, isaga oo halwgalkaas ku tilmaamay 'mid lagu guulystay.'
"Ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ayaa saaka araxda ka jabiyay kooxaha dheeriga ah ku ah adduunyada (Al-shabaab) oo saaka jab xoog leh loogu geystay degmada Balcad" ayuu yiri Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlayay warbaahinta dowladda.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay ku qarxiyeen xarunta nabad sugidda ee magaalada, waxaana ay sheegeen inay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada dowladda.
Madal