Jowhar —
Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii weerar culus ku qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo xoogagga deegaanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaallada ayaa lagu soo warramayaa inay gaysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dowladda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ay iska caabiyeen weerarka, islamarkaana ay dileen in ka badan 130 ka tirsan Al-Shabaab.
Weriyaha VOA, Xuseen Xasan Dhaqane, ayaa warbixintan soo diray.
Madal