Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo sheegatay dilka ku dhowaad 60 Shabaab ah


Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegatay in ku dhowaad 60 maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay howlgallo ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu yiri “Illaa iyo 59 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgalo ay horkacayeen Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyey deegaano ku yaalla bariga Gobalka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in 32 ka mid ah xubnaha Al-Shabaab lagu dilay aagga Garilay oo u dhow deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud.

Dowladda waxay sheegtay in sidoo kale howlgalkaas ay ku dhinteen afar askari oo ka mid ahaa ciidamada dowladda.

Howlgalka labaad oo isna ka dhacay taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayey dowladdu sheegtay in lagu dilay 27 Shabaab ahaa, laguna burburiyey fariisin ay lahaayeen Shabaabka.

VOA si madax-banaan uma xaqiijin karto sheegashada dowladda Soomaaliya.

Madal

XS
SM
MD
LG