Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo sheegtay in la duqeeyey xarunta Al-Shabaab ee Jilib


Al-Shabab Al-Shabaab
Al-Shabab Al-Shabaab

Duqayn ayaa ka dhacday magaalada Jilib ee ay gacanta ku hayaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab, sidaasi waxaa tebiyey warbaahinta dawladda federaalka Soomaaliya.

Wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegtay in duqaynta lala beegsaday xarunta ururka Al-Shabaab ee Jilib, iyadoo intaa sku dartay inuu khasaare jiro.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in khasaaraha uu isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay, balse lama faah-faahin tirada ama heerka khasaaraha

Hawlgalkan ayaa ahaa mid wadajir ah oo ay wada sameeyeen hay'adaha amniga Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, sida ay qortay SONNA.

XS
SM
MD
LG