Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay in ay sii dayso Calinuur Salaad


Calinuur Salaad
Calinuur Salaad

Ururrada xuquuqda aadanaha iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya qaarkood ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta dawadda federaalka in la sii daayo weriye Calinuur Salaad oo shalay ay xireen ciidamada booliiska ee gobolka Banaadir.

Warbaahinta dawladda federaalka Soomaaliya oo soo xiganaysa ciidanka booliska Gobalka Banaadir, gaar ahaan saldhigga degmada Waabari, ayaa sheegtay in lasoo xiray Calinuur Salaad Xasan oo ay dawladdu ku eedaysay falal iskugu jira anshax-daro, been-abuur iyo aflagaado Ciidammada Qalabka sida, waa sida ay qortay warbaahinta dawladda oo soo xifanaysa ciidabka booliiska, iyadoo intaas ku dartay inuu socdo baaritaan.

VOA si madaxbannaan uma xaqiijin dhab ahaanshaha eedaha loo jeediyey weriye Calinuur Salaad.

VOA waxay la xiriirtay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda federaalka oo aan markiiba kaoso jawaabin su’aashu aanu weydiinay ee ku saabsan xariggan.

Warbixintan waxaa Muqdishu kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay in ay sii dayso Calinuur Salaad
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:36 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG