Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa maanta soo saartay amarro lagu xakameynayo isticmaalada dawooyinka oo ay sheegtay in lagu yareynayo waxyeellaada caafimaad ee ka dhalata.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri “Ayadoo laga duulayo waxyeelada caafimaad darro iyo midda amni ee ka dhalata si xun u isticmaalka daawooyinka ay tahay in la-xakameeyo kuwaas oo maanka iyo dhimirka saameeya, ayaa Wasaaraadda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey soo rogtay go'aano iyo awaamir lagu xaqiijinayo hubinta caafimaadka iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.”
Amarada ayaa waxaa ka mid ah in la billaabay in si ku-meel gaar ah loo diiwaangelinayo dhaqtarka qori kara daawooyinka la xakameeyo iyo dawayaqaanka bixin kara daawooyinkaas.
Wasaaradda ayaa fartay dhammaan Istibaallad Danta Guud iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ee dalka, inay soo gudbiyaan ugu badnaan liiska 5 dhaqtar oo leh takhasus iyo waayo aragnimo dhan 5 sano, kadibna dhaqtarkii buuxiya shuruudaha lagama maarmaanka u ah, ay wasaaraddu siin doonto diiwaangelin ku meel gaar ah oo la xiriirta qorista daawooyinka la xakameeyo si waafaqsan nidaamka qorista daawooyinkaas (Controlled Substances License).
Waxay wasaaradduu ka digtay in dhaqtarkii qora daawooyinka la xakameeyo asigoo aan haysanin diiwaangelinta qorista daawooyinka la xakameeyo, uu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla.
Waxay sidoo kale ka digtay in sidoo kale uu fal-damibyeed ku dhici doono dhaqtrakii qora xaddi ka baxsan intii loogu talo-galay daaweeynta xanuunka uu ka cabanayay bukaanka kuna cadaato inuu u siiyay bukaanka dawo kale.
Wasaaradda ayaa si loo hubiyo bixinta iyo keydinta daawooyinka la xakameeyo, waxa isbitaal kasta fartay inuu soo gudbiyo labo dawo-yaqaan ama labo xirfadle oo aqoon durugsan u leh bixinta iyo keydinta daawooyinka u baahan in la xakameeyo, kadib marka ay soo buuxiyaan shuruudaha laga rabo, kuwaasi oo wasaaradda ay siin doonto diiwaangelin ku-meel gaar ah.
Dhinaca kale, wasaaradda ayaa ka digtay in qofkii lagu arko daawooyinka la xakameeyo, asigoo aan haysan rajeeto uu soo qoray dhaqtar ruqsad u haysta qorista daawooyinkaas, uu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla.
“Dhammaan ganacsatada keenta daawooyinka ay tahay in laxakameeyo, waa inay ruqsadda khaas ah ka qaataan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, DFS,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.
“Haddaba Ganacsadihii soo dajiya ama dhoofiya daawo ka mid ah daawooyinka la xakameeyo asigoo aan ruqsad ka haysan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DFS, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala.”
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa sidoo kale mamnuucday in lagu iibiyo dhammaan daawooyinka la xakameeyo (Controlled Substances) farmashiyayaasha tafaariiqda gada, ayadoo aan oggolaansho laga haysan wasaaradda, laga bilaabo 21/04/2023.