Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo tallaabo ka qaadeysa hubka lagu haysto Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay inay dambi tahay in hubka qeybihiisa kala duwan guryaha lagu haytso, iyadoo lagu gabbanaayo mas’uuliyad dowladeed oo xilligaasi la hayo iyo in laga ganacsado.

Shuute, oo jariimo cad iyo wax halis ku ah ammaanka shacabka ku tilmaamay haysashada hubka, ayaa sidoo kale sheegay inay diyaariyeen xeer ilaaliye dabagal ku sameeya dadka hubka haysta iyo guryaha lagu haayo.

Falanqeeyeyaasha amniga ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay dadaallada xakameynta hubka ee socda laakin ay wax walba ku xiran yihiin qaabka loo fulinaayo.

Haddaba howlgalladaan lagu xakamaynayo hubka maxay uga dhigan yihiin nabadda Soomaaliya oo kasoo kabanaysa colaado soo jiitamaaye muddo dheer? Warbixin arrintan ku saabsan waxaa inoo diyaariyay Cabdulqaadir Samakaab.

Dowladda Soomaaliya oo tallaabo ka qaadeysa hubka lagu haysto Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:56 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG