Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan oo walaac ka muujiyey dagaal dhex-mara NATO iyo Ruushka


Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii sheegay in suurta-galnimada iska hor imaad toos ah oo dhexmara Ruushka iyo NATO ay tahay "mid laga walaaco", sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Hadallada Erdogan ayaa yimid iyadoo hogaamiyayaasha NATO ay isku urursadeen Washington, islamarkaana afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov uu sheegay in Ruushka uu qorsheynayo "tallaabooyin jawaab celin ah," si loo xakameeyo "khatarta aadka u daran" ee isbahaysigan.

"Suurta-galnimada in isku dhac toos ah uu dhexmaro NATO iyo Ruushka shaki la'aan waa mid walaac ah," ayuu yiri Erdogan oo Washington u jooga shir madaxeedka NATO. "Tallaabooyin kasta oo keeni kara natiijadan waa in si miyir leh looga fogaado."

Erdogan ayaa hadlay maalin ka dib markii xulafada NATO ay ku dhawaaqeen inay billaabeen inay diyaaradaha F-16 ku wareejiyaan Ukraine iyagoo sare u qaadaya ballanqaadyada loo sameynayo Kyiv ee ku saabsan ka mid noqoshada isbahaysiga.

Ka hor shir-madaxeedka, Ruushku ayaa gantaallo badan ku garaacay Ukraine, halkaas oo ay ku dhinteen daraasiin qof, oo ay ku jirto Kyiv halkaas oo isbitaalka carruurta uu si weyn u burburay.

Peskov, ayaa hadallo ay daabaceen wakaaladaha wararka ee Ruushka, sidoo kale sheegay in isbahaysiga milatari ee reer galbeedka, oo shir ku leh Washington toddobaadkan, ay hadda "si buuxda ugu lug leeyihiin dagaalka Ukraine".

Turkey oo xubin ka ah NATO ayaa isku dayay inuu isku dheelitiro xiriirka kala dhexeeya labada dal ee ay deriska ka yihiin Badda Madow ee Ruushka iyo Ukraine tan iyo markii Moscow ay si buuxda ugu duushay Kyiv.

Ankara ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Ukraine, iyadoo dhinaca kale ka fogaanaysa cunaqabataynta ay reer galbeedku ku hayaan Moscow.

Madal

XS
SM
MD
LG