Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia: Weriyayaal Swedish ah oo Xarig Lagu Xukumay


Ethiopia: Weriyayaal Swedish ah oo Xarig Lagu Xukumay
Ethiopia: Weriyayaal Swedish ah oo Xarig Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla dalka Ethiopia ayaa maanta 11 sanno oo xadhig ah midkiiba ku xukuntay laba weriye oo u dhashay dalka Sweden oo lagu eedeeyay inay inay taageerraan urur argagixiso dalka Ethiopia iyo inay dalkaasi ku soo galeen si sharci darro ah.

Maxkamaddan ayaa maanta oo Salaasa ah xukunkan ridday toddobaad kaddib markii danbi lagu helay , Martin Schibbye oo ah weriye wax baadha iyo sawir-qaade Johan Persson. Labadan weriye ayaa la kulmayay ilaa iyo 18 sanno oo xadhig ah.

Garsooraaha ayaa sheegay toddobaadkii hore inaysan u muuqan in labadan weriye ay isku dayayeen inay war uruuriyaan markii ay Ethiopia soo galeen bishii July iyagoo la socda jabhadda ONLF oo ah jabhad ururka Midowga Afrika uu u aqoonsan yahay urur argagixiso.

Labadan weriye ayaa qirtay inay waddanka si sharci-darro ah ku soo galeen, laakiin xukuumadda Sweden iyo ururada xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyay Ethiopia, iyagoo sheegay in labadan weriye ay gudanayeen shaqo caadi ah.

XS
SM
MD
LG