Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Faragelinta Ethiopia ee Somalia


Faaqidaadda: Faragelinta Ethiopia ee Somalia
Faaqidaadda: Faragelinta Ethiopia ee Somalia

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxaan ku eegaynaa dib u soo gelista ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya.

Ethiopia ayaa la filayaa inay gacan siiso ciidamada AMISOM iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabaab.

Madaxda dalalka IGAD ayaa shir ay maanta ku yeesheen magaalada Addis Ababa waxay dowladda Ethiopia ugu baaqeen inay gacan ka geysato dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab, taasoo ka dhigan in Ethiopia laga dalbay inay Soomaaliya gasho.

Haddaba dib u gelista ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya maxay soo kordhin karaan? muxuuna kaga duwan yahay kii sannadkii 2006? arrimahaasi ayaan ku eegaynaa barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka.

Barnaamijkan waxaa ka qeybgalay Xildhibaan Cali Max’ud Zeko oo Muqdisho jooga, Cabdalla Xaji Cali oo xildhibaan hore ahaa oo ku sugan Nairobi, Prof Xuseen Warsame oo macalin ka ah jaamacadda Calgary ee dalka Canada iyo Zeynab Max’ed Xasan oo ah howlwadeen ka tirsan jaalliyada Soomaaliya ee Minnesota kana tirsan ururka Minneapolis Foundation.

XS
SM
MD
LG