Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxa uu todobaadkan ku saabsan yahay sida sida indhaha caalamka ee ku soo jeeda Soomaaliya looga dhalin karo fursado siyaasadeed oo mustaqbal amni iyo maamulba u yeela dalka Soomaaliya.
Waxaa barnaamijkan soo diyaarisay Falastiin Axmed Iimaan, waxaana ugu marti ah; Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, oo ku sugan dalka Imaaraadka, Xildhibaan Maxamed Xasan Daryeel oo ku sugan magaalada Nairobi, iyo Prof Maxamuud Guure oo ku sugan magaalada London.