Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Maamul Gobolleedka Hiiraan


Faaqidaadda: Maamul Gobolleedka Hiiraan
Faaqidaadda: Maamul Gobolleedka Hiiraan

Barnaamijkan Faaqidaadda Toddobaadka, waxaan ku falanqeynaynaa fikradaha kala duwan ee laga bixinayo Maamul-goboleedka cusub ee Hiiraan

Dalka Kenya waxaa loogaga dhawaaqay maamul-gobolleedka Hiiraan, kaasi oo ah maalin cusub oo loo sameeyay gobolka Hiiraan. Xaflad ka dhacday magaalada Nairobi ayaa lagu caleemo-saaray madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen u yeelanayo maamulkaasi.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaar ka tirsan beelaha dega gobolka Hiiraan aysan ku qanacsanayn kana soo horjeedaan maamulka. Haddaba barnaamijkan Faaqidaadda Toddobaadka ayaan ku eegaynaa fikradaha iyo aragtiyada kala duwan ee laga bixinayo maamul-gobolleedkan cusub

Qeybta hore ee barnaamijka waxaan ku marti-qaadnay madaxweynaha maamul-gobolleedka Hiiraan Maxamuud Cabdi Gaab oo sharxaya sababaha dhaliyay dhismaha maamulka iyo talaabooyinka horyaalla maamulkan.

Qeybta danbe, waxay ku saabsan tahay dood dhexmartay Madaxweyne-kuxigeenka maamul-gobolleedka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle, Maxamed Axmed Dhagaweyne oo guddoomiye ka soo noqday gobolka Hiiraan iyo C/laahi Maxamed Caddow oo ka mid ah aqoonyahannada ka soo jeeda gobolka muddana ku noolaa dalka Canada.

XS
SM
MD
LG