Barnaamijka Faaqadiaadda Todobaadka wuxuu ku saabsan yahay, fikirka xagjirnimada ah ee ka soo laba kacleeyay Puntland.
Barnaamijka waxaa ka qeybgalaya: C/shakuur Mire Aadam, oo a wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud ee Puntland, Axmed Bile Xasan (Ugaas Bile) oo horey uga tirsanaa ururkii al-Itixaad al-Islaamiya, kana tirsan baarlamaanka KMG, iyo Cumar Sheekh Cali Idiris oo ka tirsanaa maxkamadihii Islaamiga, sidoo kalena xubin ka ah baarlamaanka KMG.iyo C/Siciid Muuse Cali oo ah cilmi baare madaxbannaan oo ku sugan Nairobi.
Waxaa barnaamijka soo diyaariyay Haaruun Macruuf.