Muqdisho —
Inta badan dalalka Muslimiinta ee caalamka ayaa Isniinta maanta ah billaabey soonka bisha Ramadan oo xalay bilatay, iyadoo Soomaaliyana ay ku jirto dalalka maanta inta badan laga soomay, maalintii koowaad ee Ramadaanka.
Mas’uuliyiinta dalka ay ku yallaan goobaha barakaysan ee Sacuudiga ayaa xalay ku dhawaaqay curashada bisha Ramadan. Wax yar kadibna, dalal badan oo Khaliijka Carabta ah, iyo sidoo kale Soomaaliya, Masar, Sudan, Syria iyo Yemen ayaa iyagana ku dhawaaqay inay maanta soomayaan.
Hadda muhiimadda bishan u leedahay islaamka iyo waxyaabaha ay xambaarsan tahay ayaa wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Samakaab uu ka waraystay Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed.
Madal