Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fallanqeyn: Dagaalka Sudan iyo wejiyada uu yeelan karo


Qaraxyo iyo dhawaaqa dayuuradaha dagaalka ayaa wali laga maqlayaa magaalada Khartoum ee dalka Sudan, iyada oo la sheegay in dad shacab ahi ay ku xoomeen guryaha ay deggan yihiin dadka u shaqeeya Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamka.

Waxaa burburay xabbad-joojin 24 saac ahayd oo labada dhinaca lagula heshiiyey.

Labada dhinaca ayaa midba sheegtay in isagu uu dagaalka ku gacan sarreeyo.

Maxamed Cabdi Sandhere ayaa haddaba sida dagaalku u socdo iyo wajiyada uu yeelan karo ka wareystay Ibraahim Maxamed Maxamuud (Bakhbakhaani) oo arrimaha Carabta iyo Islamka aqoon u leh, kuna sugan gobolka Minnesota.

Ibraahim waxa uu ugu horreyn ka hadlayaa sababta ay xabbad joojintu u hirgali wayday.

Falanqeynta dagaalka Sudan.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:57 0:00

XS
SM
MD
LG