Washington —
Dalka Itoobiya, waxa dib u soo laabtay colaaddii u dhaxeysay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Tigreega, waxaana soo baxaya baaqyo caalami ah oo loo dirayo in coladda la joojiyo.
Haddaba, waa maxay sababta dagaalladan u soo noqnoqonayaan? Sideese dhinacyadu coladda ku joojin karaan? Arrimahaasi ayaa aqoonyahan Maxamed Sheekh Xuseen oo ka faallooda arrimaha siyaasada iyo bulshada, deganna Mareykanka uga warramay Jamaal Axmed Cismaan.