Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fallanqeyn: Dr. Afyare oo sharxay cutubyada wax ka beddelka dastuurka


Afyare
Afyare

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo gudbiyey afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka oo lagu samaynayo wax ka beddel iyo toosin, sida ay jeediyeen guddiyada dastuurka ee madaxabannaan islamarkaana ay ansixiyeen guddiga dastuurka ee baarlamaanka.

Haddaba cutubyada ugu horreeya ee laga doodayo ayaa ah Cutubka 1-aad oo cinwaankiisu yahay Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cutubka 2-aad oo ah Xuquuqda Aasaasiga ah iyo Waajibaadka Muwaadinka, kan 3-aad oo ah Dhulka, Hantida iyo Deegaanka, iyo kan 4-aad oo ah cutub cusub oo ku saabsan Matalaadda Shacabka oo ay ku jiraan qodobo ay ka mid yihiin mabaadii’da iyo nidaamka doorashada iyo muddo-xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee heer federaal iyo goboleed.

Haddaba Haaruun Macruuf ayaa nuxurka isbedellka la doonayo in lagu sameeyo iyo luuqadda uu ku qoran yahay ka waraystay Professor Afyare Cilmi oo horey u ahaan jiray Agaasimaha Xarunta Cilm-baarista Heritage Institute, haatanna cilmi-baare ka ah Jaamacadda City University of Mogadishu.

Fallanqeyn: Dr. Afyare oo sharxay cutubyada wax ka beddelka dastuurka
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:26 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG