Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyey heshiiska ay Sabtidii Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.
Madaxa Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegay inay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya, taas oo noqonaysa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation-Closed List).
Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in dalka uu qaato nidaam madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, oo beddelaya midka hadda jira ee ah madaxweyne iyo ra’iisul wasaare.
Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda.”
Farmaajo ayaa sheegay inay tahay “himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan.”
Si kastaba, madaxweynihii hore ayaa sheegay in qodobada heshiiska ku jira qaarkood ay taabanayaan arrimo dastuuri ah, loona baahan yahay in la geliyo wadatashi heer qaran ah oo la wada ogol yahay.
“Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL),” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu xilka hayey, wuxuu sanadihii dambe isku dayey in dalka uu galo doorasho qof iyo cod ah, waxaase xilligaas ka horyimid siyaasiyiinta mucaaradka, madaxda maamul goboleedyada qaarkood iyo xubno ka mid ah baarlamanka.
Madal