Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faroole: Heshiisyada Waan u madax banaan-nahay


Faroole: Heshiisyada Waan u madax banaan-nahay
Faroole: Heshiisyada Waan u madax banaan-nahay

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in labadii sano ee uu xilka hayay uu maamulkiisu wax-qabad badan sameeyay oo dhanka ammaanka iyo horumarka.

C/raxmaan Faroole, madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ayaa maanta difaacay qorshaha lagu tababarayo qaar ka tirsan ciidamadiisa, tababarkan oo ay bixinayso shirkad ajanabi ah. Faroole wuxuu sheegay in Puntland ay u madax banaan tahay heshiisyo ay la gasho cidw-walba oo ay u aragto inay taageerro siinayso.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo maanta xusayay sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegatay markii uu xilka qabtay ayaa wuxuu ka sidoo kale sheegay in maamulkiisu uu horumar badan sameeyey muddadii labada sanno ahayd ee uu xilka hayay.

Faroole, wuxuu sidoo kale ka hadlay xiriirka DKMG iyo Puntland, gaar ahaan dastuurka qabyada ah ee haatan la diyaarinayo, wuxuuna carabaabay in Puntland aysan taageerri doonin dastuurkaasi haddii aanay Puntland qeyb ka noqon qaabka iyo habka loo samaynayo.

Madaxweyne Faroole, wuxuu khudbadda uu maanta jeediyay sidoo kale uga hadlay arrimaha ammaanka Puntland iyo burcadbadeedda.

Dhanka kale waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland ayaa dhaliilsan waxqabadka maamulka hadda jira, kuwaasoo sheegaya in laga filayay waxqabad ka ballaaran inta hadda uu madaxweyne Faroole tiriyay.

Maxamed Xaaji Aadan oo ah siyaasi Puntland ka soo jeeda, kuna sugan degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa ku dhaliilay maamulka habkii uu u maareeyay arrimaha ammaanka iyo ku dhaqanka dastuurka qabyada ah ee aan weli aftida shacabka la marsiin.

Qeybtan hoose ka dhageyso warbixinta ka hadlaysa sanad-guurada labaad ee C/raxmaan Faroole iyo waliba wareysi ay VOA la yeelatay siyaasiga Maxamed Xaaji Aadan.

XS
SM
MD
LG