Gaza —
Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay Talaadadii shalay in Ururka Fatax iyo Kooxda Xamaas ay ku dhow yihiin inay heshiis ka gaaraan sida iyo cidda maamuleysa magaalada Gaza dagaalka ka dib.
Qorshaha la soo jeediyay waxaa ku jira in Fatax oo maamusha dhulka ay Israel xoogga ku heysato ee Daanta Galbeed iyo Xamaas oo maamuleysay Gaza tan iyo 2007-dii ay soo magacaabaan guddi wada jir ah oo 15 xubnood ka kooban oo maamuli doona Gaza.
Warbixin ay VOA arrintan ka qortay waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Garabeey Daandureey.
Madal