Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FBI-da oo shaacisay ninka looga shakisan yahay isku daygii dil ee Trump


Election 2024 Trump
Election 2024 Trump

FBI-da ayaa Axadda maanta ah ku sheegtay Matthew Crooks oo 20 jir ah inuu yahay "qofka looga shakisan yahay" isku daygii dil ee Sabtidii ka dhanka ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaasi oo ahaa mid ka mid ah falalkii ugu caansanaa ee rabshado siyaasadeed ee Mareykanka ka dhaca muddo tobanaan sano ah.

Hay’adda sharci fulinta ayaa war-saxaafadeed kooban ku sheegtay in Crooks uu ka yimid magaalada Bethel Park ee gobolka Pennsylvania, taasi oo hal saac u jirta goobta uu isu soo baxa siyaasadeed uu ka dhacayey ee Trump looga toogtay dhegta isaga oo khudbad jeedinaya.

Bayaanka laguma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan Crooks, kaasi oo goobjoogeyaal ay sheegeen inuu rasaasta ka soo furay saqafka meel u dhow goobta isu soo baxa, kahor inta aysan toogan ciidamada amniga.

FBI-da ayaa sheegtay inuu jiro “baaritaan taagan oo socda” oo lagu sameynayo falkan, ayada oo codsatay in qof kasta oo akhbaar haya uu si degd eg ah ula soo xiriiro mas’uuliyiinta.

Ugu yaraan hal qof oo ka mid ah dadkii daawanayey Trump ayaa la dilay halka laba kale si darran loogu dhaawacay toogashada oo ka dhacday meel banaan ah oo ku taalla magaalada Butler.

Goor hore oo Axaddii ah, Kevin Rojek, wakiilka gaarka ah ee FBI-da ee xafiiska Pittsburgh ayaa weriyayaasha u sheegay “in ay la-yaab tahay” in ninka hubeysnaa uu riday afar ama shan xabbad kahor inta aan toogasho lagu dilin.

"Hadda ma hayno ujeeddo la aqoonsan yahay, in kasta oo baarayaasha ay si hagar la'aan ah uga shaqeynayaan inay isku dayaan inay ogaadaan waxa ujeeddadu ahayd," ayuu yiri Rojek, isagoo xusay in baaritaanku uu qaadan karo bilo.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Trump ku sheegay in uu "wanaagsan yahay" kaddib markii lagu toogtay xabbad ka haleeshay qaybta sare ee dhegta midig. Trump ayaa laga soo saaray isbitaalka goor dambe oo Sabti ah.

"Waa wax cajiib ah in falkan oo kale uu ka dhici karo waddankeena," ayuu Trump ku daray.

Dhacdadan ayaa halis galinaysa in ay sii xoojiso tartanka adag ee madaxtinimo iyo in ay sii huriso hadallada markii horeba kululaa ee ku xeeran doodda qaran.

Waxay sidoo kale dhalisay in madaxweyne Joe Biden, madaxweyne ku-xigeen Kamala Harris iyo madaxweynihii hore Barack Obama ay soo saaraan qoraallo xooggan oo ay ku cambaareynayaan rabshadaha siyaasadeed.

Madal

XS
SM
MD
LG