FBI-da ayaa Khamiistii xirtay askari Mareykan ah oo lagu tuhunsan yahay inuu xog sir ah ka iibiyay shakhsiyaad ku sugan Shiinaha, sida ay sheegtay Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka.
Jian Zhao, oo ah sarkaal sahayda milatariga u qaabilsan ciidamada una xil-saaran saldhig milatari oo ku yaalla gobolka Washington, ayaa lagu eedeeyay inuu ururiyay qalab xambaarsan xog sir ah, oo ay ka mid yihiin hard drives iyo computer ay leedahay dowladda Mareykanka, si uu ugu gudbiyo shakhsiyaad aan la shaacin oo ku sugan Shiinaha.
Xog xadista ayaa la sheegay in la billaabatay bishii Luulyo 2024, iyadoo Zhao uu ugu yaraan $15,000 ku helay xogtaas sirta ah.
Guddi xeerbeegti ayaa ku soo oogay dacwado la xiriira shirqool lagu doonayay in lagu helo laguna gudbiyo xogta difaaca qaranka Mareykanka loona dhiibo dad aan la oggolayn. Waxaa kale oo lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo xatooyada hanti dowladeed.
Sida ku cad eedeynta maxkamadda, Zhao iyo dad kale oo la tuhunsan yahay ayaa "si ula kac ah oo sharci-darro ah ugu heshiiyay... inay helaan oo gudbiyaan dukumentiyo, qoraallo, sawirro, qalab, iyo xogo kale oo la xiriira difaaca qaranka Mareykanka, loona diro dad aan xaq u lahayn inay helaan."
FBI-du waxay sheegtay in laba eedeysane oo kale, oo kala ah Li Tian, oo ah askari Mareykan ah oo xil haya, iyo Ruoyu Duan, oo horey uga tirsanaa ciidamada, iyaguna la xiray Khamiistii, laguna eedeeyay xatooyo hanti dowladeed iyo musuq-maasuq.
FBI-du waxay sheegtay in Tian uu "ururin jiray xog xasaasi ah oo la xiriirta awoodaha hawlgaleed ee ciidamada Mareykanka," gaar ahaan xog ku saabsan nidaamyada hubka ee milatariga Mareykanka, taasoo uu u gudbin jiray Duan.
Lama shaacin lacagta uu ku helay inta u dhaxaysay November 2021 iyo December 2024.
"Shaqsiyaadka la xiray maanta waxaa lagu eedeeyay khiyaano qaran, iyagoo si ula kac ah uga shaqeynayay daciifinta awoodaha difaaca Mareykanka, ayna gacan siinayeen cadowga Shiinaha," ayay bayaan ay soo saartay ku tiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka ee Mareykanka, Pam Bondi.
"Waxay la kulmi doonaan ciqaab degdeg ah, adag, oo dhammeystiran."
Madal