Kooxda Imaaraadka Carabta Al Jazira ayaa u magacawday tababarihii hore ee Netherlands Frank de Boer inuu noqdo tababaraheeda cusub, sida ay ku sheegtay bayaan ay soo saartaay Isniintii.
De Boer ayaa bedelaya Marcel Keizer, kaasoo qandaraaskiisu dhacay.
Tababarihii hore ee Ajax Amsterdam ayaa kooxda Abu Dhabi maamulayay tan iyo 2019.
Inkastoo Al Jazira aysan faahfaahin ka bixin, warbaahinta Holland ayaa sheegtay in De Boer uu saxiixay qandaraas labo sano ah oo bilaabanaya 1-da Julay.
Waa 53-sano jir De Boer, markii ugu horeysay ee loo magacaabo tan iyo markii uu iska casilay shaqada tababaranimo ee Netherlands labo sano ka hor kadib Euro 2020 markaasoo ay kusoo hareen wareega 16-ka markii ay 2-0 ku garaacday Czech Republic.
Al Jazira ayaa ku dhammeysatay kaalinta shanaad ee xilli ciyaareedkan heerka sare ee horyaalka UAE Pro League.
Reuters.
Madal