Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galka Baarista: Sheekada ganacsade horey u gubi jiray dhuxusha Soomaaliya


Xaaladda isbeddelka cimilada ee Soomaaliya ayaa kasii daraysa iyadoo ay jiraan abaaro, barakac iyo fatahaado soo noqnoqda xilliyo kala duwan.

Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dhibanayaasha ugu waaweyn ee isbeddelka cimilada, inkastoo haddana ay Soomaaliya ku biiriso uumiga hawada sare u baxa 0.003 oo ah xaddi aad u yar oo uumi ah.

Khubarada degaanka, hay’adaha gargaarka iyo mas’uuliyiinta maamullada Soomaalidu waxay xilliyo kala duwan sheegeen in abaaraha soo noqnoqday, roobabka marna la waayo, marna fatahaado badan dhaliya, cunto-yarida, iyo qaxa dadka intuba inay astaamo u yihiin saamaynta ba’an ee isbeddelka cimilada Soomaaliya.

Khayraadkii dabiiciga ahaa ee Soomaaliya waxaa saaran culays badan oo ka imanaya xaalufka dhirta, noloshii kala-duwanayd ee bii’ada ka jirtay oo sii dhumaysa, dhulkii daaqsinka ahaa oo sii yaraanaya, qashin-qub, iyo biyaha oo sii wasakhoobaya, sida lagu qoray warbixin ay sannadkii hore qortay dawladda Soomaaliya.

Qaybta 4-aad ee taxanaha Isbeddelka Cimilada ee barnaamijka Galka Baarista, waxaan kaga hadlayaa sheekada ganacsade horey u gubi jiray dhuxusha haatanna u dooda badbaadinta degaanka.

Galka Baarista: Sheekada ganacsade horey u gubi jiray dhuxusha Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:18:50 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG