Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug oo war ka soo saartay xiisadda hubka ee ka taagan Caabudwaaq


Galmudug
Galmudug

Maamul goboleedka Galmudug ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan shaqaaqada ka dhalatay hubkii lagu dagaalamay shalay ee degaanka Siila-madow.

War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug ayey ku sheegtay inay si dhow ula socotay dhaq-dhaqaaqa hubka laga soo tahriibiyey dhanka Itoobiya ee ku aaddan Waqooyiga Galgaduud.

Hay’adaha Amniga oo ku dabajoogay ayaa isku dayey in ay gacanta ku dhigaan hubka, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darrida uu hubkaasi abuuri karo, ayay qoraalka ku sheegtay wasaaraddu.

“Dowladda Galmudug waxey baaritaan ku haysay cidda ka danbaysay falkaas argagaxa leh, waxaana u caddaatay in dad qowlaysato ah kuna caan baxay ka ganacsiga waxyaabaha sharci darrada ah ay ka danbeeyeen, iyadoo ujeedku ahaa in loogu adeego danahada argagaxisada , la isagana horkeeno shacabka , laguna qalqal geliyo amniga iyo xasilloonada Galmudug,” ayay wasaaadda amniga gudaha ee Galmudug ku sheegtay qoraalkaasi.

Goor sii horreysay, dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hub si sharcidarro ah dalka looga soo geliyey dhinaca Itoobiya oo ay qabatay, isla markaana ay galbinayeen ciidamada dawladda ay jidgooyo u dhigteen maleeshiyaad hubaysan, taasina ay sababtay in hubka qaar uu gacanta u galo maleeshiyaad hubaysan, 15-kii July.

War saxaafadeed kasoo bxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in hubkaasi ay dalka soo geliyeen kooxo ka ganacsada hubka sharci-darrada ah, sida lagu sheegay qoraalkaas.

Dawladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday odayaasha degaanka iyo shacabka inay gacan ka siiyaan dawladda sidii hubkaas loogu soo celin lahaa gacanta dawladda.

Ilo wareedyo ay la hadashay idaacadda VOA ayaa sheegay in dad shacab ah oo qaarkood hubaysan yihiin inay gacanta ku dhigeen shalay laba baabuur oo siday hub laga keenay dhinaca Itoobiya.

Laba ilo wareed oo mid yahay dhinaca amniga, balse diiday inay magacooda sheegaan sababtoo ah looma oggola inay la hadlaan warbaahinta ayaa sheegay hubkaasi lagu waday laba baabuur oo ah nooca loo yaqaan Candho-maydle ayna galbinayeen ciidamada dawladda Soomaaliya ee gadhigoodu yahay Galmudug markii ay jidgooyo u dhigteen rag hubaysan oo dadka degaanka ah, halka lagu magacaabo Shiila-madow oo ilaa 20km dhinaca Waqooyi-Galbeed ka xigta magaalada Caabudwaaq.

Khilaaf halkaasi ka dhacay ayaa isku rogay gacan ka hadal dhexaray ciidamada dawladda iyo dadka degaanka ee hubaysnaa. Dagaalkaas ayaa dhaliyey khasaare nafeed oo labada dhinac ah gaaraya ilaa 12 qof, sida ay VOA u sheegeen ilo wareedyo kala duwan.

Sida ay sheegayaan ilaha wareed ee la hadlay VOA Somali, dagaalkaas kadib waxaa hubkii gacanta u galay shacabkii hubaysnaa, ilaa haddana lama oga hubkaasi halka uu ku sugan yahay.

Ciidamo ka tirsan dawladda federaalka ayaa la sheegay inay ku baxeen degaankaas si ay iskugu dayaan inay hubka soo celiyaan, iyagoo doonaya inay wada xaajood la galaan odayaasha degaanka.

Hubkan ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay Dhashiike, PKM, AK47, bastoolado iyo rasaas, waxaana ilo wareedyadu sheegayaan in loo waday ciidamo la tababaray oo kuwa dawladda ah oo ku sugan Gaalkacayo.

Dawladda Soomaaliya waxay ku sheegtay war saxaafadeedka ay soo saartay inay ka xuntahay falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen maleeshiyaadka waddada u galay ciidamada galbinayey hubkaasi, sida lagu sheegay qoraalka.

Dawladdu waxay kaloo ku sheegtay war saxaafadeedka in ka ganacsiga hubka sharcidarrada ah uu faa’iido u yahay kooxaha khawaarijta, qayb weynna ku leeyahay hurinta colaadaha qabaa’ilka.

VOA Somali waxay la xiriirtay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda federaalka, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, maamulka degmada Caabudwaaq iyo af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya oo aan markiiba ka jawaabin codsiga aan u jeedinay inay ka hadlaan wararka ku saabsan hubkan.

Bishii Diisambar ee sannadkii aynu soo dhaafnay ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay cunaqabatayntii hubka ka qaadeen Soomaaliya, taasi oo dalka saarnayd tan iyo sannadkii 1992-kii.

Madal

XS
SM
MD
LG