Magaalada Banjul ee dalka Gambiya waxa ka socda shir loogaga hadlayo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ee Africa. Shirkan waxa ka qeyb galaya ururada Xuquuqda Aadamaha u dooda ee ka howlgala Africa.
Shirkan ayaa lagu soo qaaday xad-gudubyada ka dhaca Somalia iyo dalal kale oo Africa ah. Waxa shirkan ka qeyb galaya Xasan Shire Sheekh oo ah Guddoomiyaha Difaacayaasha Xuquuqda Bani’aadamka ee Somalia oo ka hadlay xad-gudubka loo geysanayo shacabka ka hawl gala waddanka Somalia.
Warbixinta shirka hoosta ka dhageyso.