Magaalada Gaarissa ee waqooyi Bari Kenya ayaa maanta oo Jimce ah lagu soo gabagabeeyay kulan caalima ah oo ku saabsan Geella iyo dhaqashadiisa.
Kulankan ayaa waxaa maalgaliyay Midawga Yurub waxaana looga arinsanayay geella iyo wax soo saarkiisa.
Waxaana ka soo qaybgalay wufuud kala duwan oo caalamka ka socday iyo khubarro ku takhasusay xanaanada xoolaha.
Gabagabada shirkaasi ayaa la iskula gartay in magalaada Gaarisa laga furo xarun caalami ah oo ka shaqaysay cilmibaadhista la xidhiidha dhaqashada Geella iyo dheeftiisa.
Xaruntan ayaa waxaa ku baxaya kharash lagu qiyaasay 55 milyan oo Shilinka Kenya ah .