Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle oo ka qeyb galaya shir-madaxeedka dalalka ay ciidamadoodu ku jiraan hawlgalka ATMIS ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay 'horumar la taanan karo' ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
"Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay horumar la taaban karo ka sameysay dagaalka maleeshiyada aragagixisada ah ee Al-shabaab" ayuu madaxweyne Gelle ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Waxa uu sheegay in guulahaas ay qeyb ka yihiin wuxuu ugu yeeray xakameynta ilaha dhaqaale ee Al-shabaabb.
"Arrinta ku saabsan awoodda ciidamada Soomaaliya ay u leeyihiin inay sugaan amniga dalka marka la gaaro dhammaadka 2024-ka ayaa noqon doonta xudunta wadahadalka shirka" ayuu raaciyay madaxweyne Geelle.
Shir-madaxeedka dalalka ATMIS ayaa maanta ka furmay magaalada Kampala, waxaana sidoo kale lagu qiimeyn doonaan qorshaha kala-guurka ee Soomaaliya.