Jabuuti —
Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa shalay daah-furay xaruntii ugu horreysey dalka Jabuuti ee adeegsiga farsamada kheyraadka dabiiciga ah, ee ka faa’iidaysiga dabeysha laga dhalinayo tamarta lagu isticmaalo xoogga korantada.
Tallaabadan ayaa wax weyn ku so kordhineysa dadaalka Jabuuti ay ugu jirto kobcinta adeegga koronto ee qiimaha jaban.
Madaxweyne Geelle waxa kale oo uu u tacsiyadeeyay dadweynaha waddanka Morocco, oo khasaare naf iyo maalba lahi ka soo gaaray dhul-gariirkii ku dhuftay Sabtidii.
Ramadan Muuse ayaa warbixintan ka soo diray Jabuuti.
Madal