Waxaa soo xirmay in ka badan labada kun ee goobood ee cod-bixinta Somaliland ee saakay dadweynuhu ay ka codeeynayeen doorashooyiinka isku sidkan ee Madaxtooyada Iyo Ururada siyaasadda ee Somaliland.
Doorashadan oo saakay arootii loo dareeray ilaa maanta oo dhanna ay dadweynuhu safaf ugu jireen goobaha codbixinta ayaa waxaa isu diwaan geliyay cod bixiyeyaal ka badan hal milyan oo qof.
Gudoomiyaha Guddida Doorashada Somaliland ayaa sheegay in tirinta cododku billaabantay, islamarkaana si guud ay nabad ugu soo dhamaatay doorashadii.
Guddoomiyaha guddida doorashada ayaa shacabka Somaliland u sheegay ina natiijada rasmiga laga qaadan karo oo kaliya komoshinka doorashada.
waxa uu sheegay in natiijada ay ku dhawaaqi doonaan 21-ka bishan November.
Doorashadan oo laba sano dib uga dhacday xilligii la filayay ayaa ku soo aadeysa xilli xiisadi ay ka dhex oogan tahay Soomaaliya iyo Ethiopia, iyo iyadoo magaalada Laascanood iyo magaalooyin kale oo hoos yimaada maamulka SSC-Khaatumo oo doorashooyinkii hore ay ka dhici jireen aysan haatan gacanta ugu jirin maamulka Somaliland.
Jagada madaxweynaha waxaa ku baratamayay murashaxiinta xisbiyada Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, oo haatan ah madaxweynaha Somaliland, doonayana inuu mar labaad xukunka ku soo noqdo, Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi “Cirro,” murashaxa Xisbiga Waddani, iyo Faysal Cali Waraabe, murashaxa xisbiga UCID.
Hargeysa —
Madal