Suuriya waxay yeelan doontaa xukuumad cusub bisha soo socota, waxaa sidaas sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Asaad al-Shaibani Arbacada, iyadoo maamul ku-meel-gaar ah uu talada hayey tan iyo markii Bashar al-Assad la afgembiyey.
“Xukuumadda lagu dhowaaqi doono 1-da Maarso waxay sida ugu badan u matali doontaa shacabka Suuriya, iyadoo tixgelinaysa kala-duwanaanshahooda,” ayuu yiri Shaibani, xilli uu ka qeyb-galayey Shirweynaha Dowladaha Adduunka ee ka socday Isutagga Imaaraadka Carabta.
Jabhadihii Islaamiga ahaa ee talada la wareegay ayaa dhisay xukuumad ku-meel-gaar ah oo uu hoggaaminayo Mohammad al-Bashir, taas oo loo xil-saaray inay maareyso dalka kala-qowmiyada ah ilaa 1-da Maarso.
Bishii hore, Ahmed al-Sharaa, oo ah hoggaamiyaha kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) – taasoo horkaceysay weerarkii mucaaradka ee talada looga tuuray Assad – ayaa loo magacaabay madaxweynaha ku-meel-gaarka ah.
Waxaa loo igmaday inuu dhiso gole sharci-dejin ku-meel-gaar ah, kaddib markii la kala diray baarlamaankii xilligii Assad, iyo sidoo kale xisbiga Baath, kaas oo Suuriya soo xukumayey tobanaan sano.
HTS iyo kooxo kale ayaa isna la kala diray, waxaana dagaalyahanadoodii lagu dari doonaa ciidan qaran oo la qorsheynayo in mustaqbalka la dhiso.
Wareysi uu horraantii bishan bixiyey, Sharaa wuxuu sheegay in abaabulka doorashooyinka ay qaadan karto illaa shan sano.
Maamulka cusub ayaa ballanqaaday inuu qaban doono shir-wada-tashi qaran oo ay ka qayb-geli doonaan dhammaan dadka Suuriya, hase yeeshee weli lama shaacin waqtiga rasmiga ah.
Madal