Qaramada Midoobay ayaa ka codsatay beesha caalamka inay gargaar bani’aadamtinimo u fidiyaan shacabka Soomaaliya.
Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR Antonio Guterres ayaa sheegay in dalka Geeska Afrika ku yaalla ee Soomaaliya ay soo wajahday masiibooyin kala duwan oo u baahan in si deg deg ah loogu gurmado.
Qaramada Midoobay waxay sheegtayin inka badan 12,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, tan iyo bilowgii bishii October ee sanadkii tegay, wuxuuna codsaday $530m oo lagu bixiyo mashaariicda dhanka gargaarka ah ee sanadkan 2011.
Qeylo dhaantan Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegantay xilli la sheegayo in abaaro baahsan ay ku dhufteen gobollo badan oo Soomaaliya ka tirsan oo dad iyo xooloba ay saameyeen.
Wariyaha VOA-da Mike Sunderland oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in goob cunto laga bixiyo oo ku taal meelaha dowladdu maamusho ay buux dhaafiyeen boqolaal dad gaajeysan si ay u qaatan cunto bisil oo halkaas laga bixiyo.
Guterres: Waa in Deg Deg loogu Gurmado Soomaaliya
- VOA Somali

Qaramada Midoobay waxay dalbatay $530m oo lagu bixiyo mashaariicda gargaarka Soomaaliya ee sanadkan 2011-ka.