Ururka ayaa sidaasi ku sheegay war murtiyeed ay soo saareen, kadib markii ay ku kulmeen magaalada Addis Ababa oo uu ka scodo shir-madaxeedka Midawga Afrika.
War murtiyeedka IGAD laguma faahfaahin muddada ay ku talinayaan in loo kordhiyo baarlamaanka.
Wasiirka arrimaha Dibadda ee DKMG Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo waraysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay in ay talada IGAD ay u gudbin doonaan golaha xukuumadda oo iyaguna u sii gudbin doona Baarlamaanka.
Wasiirka ayaa sheegay in ay tixgalinayaan soo jeedinta IGAD, isaga oo xusay in ay DKMG xil iska saarayso sidii loogu diyaargaroobi lahaa mudada kala guurka ah.
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Agustine Mahiga oo isaguna waraysi gaar ah siiyay VOA, ayaa soo dhaweeyay talada IGAD.
Waraysiga wasiirka iyo ergayga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.