Abu Dhabi —
Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa hospital yar ka dhisay islamarkaana kaalmo ka qaybinayay gudaha dalka Chad, si uu u caawiyo qaxootiga ka soo cararaya dalka jaarka la ah ee Sudan, oo lagu eedeeyey inuu ka gaystay dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada.
Warbixin dhawaan uu daabacay wargayska The World Street Journal ayuu ku xusay in Imaaraatka Carabtu sidoo kale hub siinayo kooxda sida milatariga u tababaran oo lagu eedeeyey inay gaysteen dil wadareed badan, hase yeeshee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa eedaasi iska fogeeyey.
Warbixintan waxaa magaalada Adre kasoo diray Henry Wilkins, waxaana inoo soo jeedinaya Cabdixakiin Shirwac.
Madal