Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo Mareykanka ka dooneysa $6.8 bilyan oo magdhow ah


Maxkamad ku taalla Iran ayaa ku amartay Mareykanka inuu bixiyo ku dhawaad 6.8 bilyan oo dollar oo ah magdhowga saameynta ay cunaqabateynta Washington ku yeelatay bukaannada qaba cudurrada maqaarka ee dhifka ah, waxaas sidaas sheegtay waaxda garsoorka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii 2018 si keligiis ah Mareykanka uga saaray heshiiskii Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwado badan oo caalami ah. Waxa uu dib u soo rogay cunaqabatayn dhaqaale oo lagu qaaday heshiiska.

Tallaabooyinka Washington "waxay bukaannadan u diideen dawooyin iyo boomaato", taasi oo keentay "dhimashada ilaa 20 qof,", ayuu lagu qoray website-ka waaxda garsoorka Iran ee Mizan Online.

Maxkamadeynta ayaa billaabatay November 2021, markii 295 dacwoodeyaal, oo ay ku jiraan bukaanno, ay 30 sarkaal oo Mareykan ah maxkamadda ku dacweeyeen ayaga oo ku eedeeyey "inay ka qaybqaateen soo-rogista cunaqabateynta," ayuu yiri Mizan.

Waxay gudbiyeen kiiska ka dib markii khubaro madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ah ay bishii October 2021 tusaale ugu soo qaateen saameynta tallaabooyinka Mareykanka ay ku yeesheen bukaannada cudurka maqaarka ee epidermolysis bullosa.

Washington ayaa cunaqabataynteeda ka reebtay badeecooyinka bani'aadannimo, gaar ahaan daawooyinka iyo qalabka caafimaadka.

Hase yeeshee iibsashada caalamiga ah ee sahayda noocan oo kale ah waxaa hor istaagay bankiyada oo ka walaacsan in ay ganacsi la sameeyaan Iran.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa soo xigtay kiiska shirkad Swedish ah oo joojisay iibinta faashadda gaarka ah ee macmiilkeeda Iran. Faashadaha noocan oo kale ah waxay gargaar muhiim ah siiyaan bukaanada qaba cudurka bullosa epidermolysis.

Bishii Maarso, Mizan ayaa soo wariyay in garsoorka Iran uu amar ku bixiyay in lala wareego saliid Mareykan ah oo qiimaheedu ka badan yahay 50 milyan oo dollar oo saarnaa markab la qabtay 2023-kii.

Waxa ay sheegtay in qabsashadani ay aargoosi u ahayd "cunaqabataynta dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, taasi oo hor-istaagtay iibinta dawooyinka loo baahan yahay bukaannada xanuunka epidermolysis bullosa."

Madal

XS
SM
MD
LG