Gaza —
Ugu yaraan 22 qof oo u badan haween iyo caruur ayaa ku dhintay duqeymo ay Israa’iil ka fulisay Waqooyiga Gaza, sida ay Axadda maanta ah sheegeen mas’uuliyiin Falastiiniyiin ah.
Weerrarada ay Israa’iil ka waddo waqooyiga, oo ah deegaan go’doonsan islamarkaana si ba’an ay colaaddu u saameysay, ayaa dagaalkeedu waxa uu galay toddobaadkii saddexaad, waxaana ay kooxaha gargaarku ku tilmaameen masiibo bini’aadantinimo. Israa'iil ayaa sheegtay in ay beegsatay mintidiin.
Haddaba, warbixin ay qortay AP waxaa noo haya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.
Madal