Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Itoobiya oo mar kale difaacday Is-afgaradka ay la gashay Somaliland


Dowladda Itoobiya ayaa mar kale maanta difaacday Is-fagaradka ay la gashay Somaliland ee sida xooggan ay uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Is-afgaradkan ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.”

Redwan Hussain, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa wareysi gaar ah oo uu maanta siiyey warbaahinta dowladda ee Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC) waxa uu ku sheegay in falcelinta [caalamiga ah] ee ka dhalatay is-afagaradka “aysan aheyn wax aysan fileyn.”

Redwan ayaa difaacay go’aanka ay Itoobiya is-afgaradka kula saxiixatay Somaliland.

Waxa uu ku dooday in “inkasta oo Somaliland aysan helin aqoonsi buuxa, ay horey heshiisyo ula saxiixatay dalal kala duwan, oo ay ku jiraan heshiisyo horumarin dekado.”

Waxa uu tixraacay heshiiskii la saxiixay 2017, ee Itoobiya, Shirkadda dekadaha Dubai ee DP World iyo Maamulka Dekadaha Somaliland ee la xiriiray Dekadda Berbera.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaamtay “daan-daansi” ay Itoobiya ugu xadgudbeyso madax-banaanida Soomaaliya, waxayna ka codsatay Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika inay kulamo deg deg ah ka yeeshaan arrintan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta salaaddii Jimcaha kadib khubad ka jeediyey Masaajidka Madaxtooyada, ayaa sheegey in dhulka Soomaaliya “aanan lagu bedelan karin dano gaaban.”

Madal

XS
SM
MD
LG