Iyadoo maanta la xusayo sanad guuradii 62-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, ayaa taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini waxa uu sheegay in ciidanku aanu gaarin halkii ay ahayd inuu maanta joogo.
Wasiirka ayaa sheegay si ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya uu u noqdo mid awood leh loo baahan yahay in dowlad iyo shacab-ba la taageero.
Wasiirka ayaa isagoo jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu u warramay Caasha Ibraahim Aadan.