Maamulka degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa beeniyey sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah inay qabsadeen degmadaas.
Maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa warar ay ku faafiyeen baraha bulshada iyo website-yo ayaga taageera waxa ay ku sheegteen inay gacanta ku dhigeen Badhaadhe kadib dagaal ay ku qaadeen.
Hase yeeshee guddoomiyaha degmada Badhaadhe Muxumad Ibraahim Fanax oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in saddex san iyo bar ka hor ay degmadaas ugu dambeysay wax Al-Shabaab ah, islamarkaana aysan jirin dagaallo ka dhacay halkaas, sida ay sheegteen Al-Shabaab.
“Waa sheego Al-Shabaab oo been ah, halkan xitaa kama aysan dhicin hal xabbad, xitaa deegaanda ku dhow dhibaato kama jirto” ayuu yiri Muxumad Ibraahim Fanax.
Guddoomiyaha Badhaadhe ayaa sheegay in degmada Badhaadhe ay gacanta ku hayaan ciidamada Jubaland iyo kuwa Amisom oo iskaashanaya.