Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubaland oo sheegtay in la fashiyey saddex weerar oo ay soo qaadeen Al-Shabaab


Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ciidamada maamulka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo is garabsanaya ay ka hortageen saddex weerar oo maleeshiyaadka al-Shabaab ay kusoo qaadeen saacadihii hore ee saaka saddex saldhig oo dhowaan laga qabtay al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in al-Shabaab ay soo weerareen Buulo Xaaji, Harboole iyo Miido, isla markaana saddexda weerarba ay iska caabiyeen ciidamada dawladda iyo kuwa maamulka.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegayso in lagu dilay in ka badan 80 maleeshiyaadka al-Shabaab ah saddex weerar oo ay maanta kusoo qaadeen Buulo Xaaji, Harboole iyo Baar Sanguuni.

Dhinaca al-Shabaab ayaa sheegtay iyaguna in weerarka Buulo Xaaji, Miido iyo Harboole ku dileen ilaa 71 askari.

Idaacadda VOA si madaxbannaan uma xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarradan ee ay labada dhinac soo weriyeen.

Warbixintan waxaa Kismaayo ka soo diray Aadan Maxamed Salaad.

Jubaland oo sheegtay in la fashiyey saddex weerar oo ay soo qaadeen Al-Shabaab
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:58 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG