Kismaayo —
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Jubada Hoose ayaa gaaray deegaannadii laga saaray Alshabaab ee galbeedka Kismaayo, halkasi oo ay ku noolyihiin dadka ay saameeyeen colaadaha iyo abaaraha.
Masuuliyiinta ayaa kormeeray Ceelbiyood ay dadkaasi ka cabayeen oo cilladi ay ku timid iyadoona ay deegaanka ka jirto biyo, caafimaad iyo waxbarasho la'aan maadaama ay mudo dheer deegaankaasi maamulayeen kooxda Al-shabaab.
Warbixin arrimahasi ku saabsan waxaa Kismaayo kasoo diray wariyaha VOA-da Aadan Maxamed Salaad.